Xulka Somalia oo mar kale Guuldaro la Kulmay
TANZANIA: Xulka kubadda cagta Soomaaliya ayaa guuldaradii labaad kala kulmay tartanka Qaramada Bariga iyo Bartamaha Afrika , Xulka martida loo yahay ee Tanzania ayaa 3-0 ugu awood sheegtay.
Ugu horeyn xulka Tanzania ayaa la soo baxay dardar ay ku doonayaan inay gool kaga horumaraan ciyaartoyda Soomaalida isku day badan ka ... Read More
Qaar ka mid ah Ciyaartooyda Soomaalida oo shil ku dhaawacmay
Darussalam: Ciyaaryahano ka tirsan xulka Qaranka Soomaaliya ee ka qeyb galaya koobka Bariga iyo Bartamaha qaarada Afrika ayaa maanta ku dhaawacmay gaari bas ah oo shil kula galay magaalo kutaala dalkaasi Tanzania.
Gaari ay saarnaayeen Ciyaarahanada Xulka Qaranka Soomaaliya ee ka qeyb qaadanaya koobka Bariga iyo Bartamaha Afrika ayaa maanta shil ... Read More
Burundi oo ka badisay Xulka kubada cagta ee Somalia
Xulka kubadda cagta Soomaaliya ayaa ka qeybgalaya tartanka Qaramada Bariga iyo Bartamaha Afrika oo galabta ka furmay dalka Tanzania, ciyaar aad u adag ayay la yeesheen Xulka Burundi oo ay kuwada jiraan Group-ka A. 2-0 ayaana loogu awood sheegtay Somaaliya.
Tartankan ayaa waxaa ka qeyb galaya 12 dal oo kala ... Read More
Koobka K/cagta ee bariga iyo bartamaha Africa oo galabta ka bilowday wadanka Tanzania.
Tartanka K/cagta ee qaramada Bariga iyo Bartamaha Africa ee CECAFA –Tusker Challenge Cup 2010 ayaa galabta si rasmi ah uga billowday magaaladda Darasalaam ee wadanka Tanzania, waxaana ciyaartii furtinka isku arkay xulka Tanzania iyo Zambia.
Ciyaartaas oo aheyd mid aad u xiiso badneyd waxaa 1-0 guushu ku raacday xulka Zambia, kaddib ... Read More
Xulka Bari oo Dirqi uga badiyay kooxda Safarow
Waxaa garoonka kubadda cagta ee magaalada Bosaaso ka dhacay ciyaar saaxiibtinimo oo ay yeesheen Xulka kubadda cagta ee gobolka Bari iyo koox ka socotay mid kamid ah xaafadaha Bosaaso oo lagu magacaabo Safarow.
Ciyaartaan oo ay kasoo qaybgaleen boqolaal dad ah oo usoo daawasho tegay ayaa ahaa mid saaxiibtinimo ah.
Gudoomiyaha Isboortiga ... Read More
Ciyaaryahanka Mucjisada Kubada Miiska dhigay ayaa shil gaari ku galay Wadanka Holand.
Ciyaaryahan ka kubada miiska miiska ee wadanka Holland Magan Dahir Yusuf ayaa galabta gelinkii danbe waxaa uu shil weyn ku galay wadada furan ee Gobolka Fryslan ee uu ka degan yahay Wadanka Netherlands,waxaana shilkaasi uu galay kadib markii uu gaarigiisa uu ku dhacay gaari kale oo si qalad ah u ... Read More
XALKA HORUMARINTA ISBOORTIGA CARUURTA SOOMAALIYEED EE QURBAHA
Waxaa muhiim ah inaan dhamaanteen ka shaqayno sidii wax loogu qaban lahaadhalinyaradeena jecel
isboortiga ee ku nool
dalalka horumarka ka gaarey isboortiga
noocyadiisa kale duwan.
Waxaa faaido badan ku jirtaa in laga shaqeeyo sidii loo
soo saari lahaa caruurta
yaryar ee mustaqbalka ka gaari karto cayaaraha, marka waxaan qabaa oo dadka
cayaaraha qabta inay ka ... Read More
Garsooreyaasha kubada cagta oo maanta Seminaar loo furay
In ka badan 30 ka mida garsooreyaasha kubada cagta Soomaaliya oo isugu jira heerarka kala duwan ayaa waxaa maanta seminar aqoon kororsi ah looga furay magaalada Muqdisho.
Seminarkan oo socon doona muddo 4 maalmood ah ayaa munaasabadii furitaanka oo ka dhacday hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho waxaa hadalo ka jeediyay madax ... Read More
Danjire Nuur Xasan Xuseen ‘’Nuur Cadde’’ oo ku qaabiley xafiiskiisa Madaxda Ururka Mideynta Qurbajoogta Isboortiga Soomaaliyeed
Danjire Nuur Cadde oo ku qaabiley xafiiskiisa Madaxda Ururka Mideynta Qurbajoogta Isboortiga Soomaaliyeed
Danjiraha dalka Soomaaliya u fadhiya dalka Talyaaniga ahna wakiilka EU Soomaaliya midane Danjire Nuur Xasan Xuseen oo ku magac dheer Nuur Cadde ayaa safaarada Soomaaliya ee ku taal magaalada Roma ku qaabiley wafdiga madaxda Ururka Mideynta Qurbajoogta ... Read More
Ciid wanaagsan
Bahda shabakaddan Goolka.com waxa ay hambalyo ku aadan ciidda carafo hawada u marinaysaa dhamaan umadda soomaaliyeed gaar ahaan bahwaynta sportiga, waxaan ilaahay idinkaga baryeynaa in uu dhamaantiin iyo qoysaskiinabba idinka kor yeelo cadaabtiisa aakhiro dambigoodana la dhaafo maalmahan barakaysan Aamiin Aamiin.
... Read More














