XSCF oo Magacaabay Wakiilka Waqooyiga Ameerika
MUQDISHO: Xiriirka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha Fudud ayaa soo saaray Wareegto uu ku magacaabayo Wakiilka Waqooyiga Ameerika, Halyeeyga Ciyaaraha Fudud ahna Guddoomiyaha Ururka Oradyahanada Soomaaliyeed ee 'SORCO' Cabdi Warsame Isaaq ayaa waxaa la sheegay inuu noqon doono wakiil buuxa ka shaqeynaya dhinaca horumarinta iyo isku xirka Orodyahanada Ciyaaraha Fudud.
Nuqul ka mid ... Read More
Xiriirka cayaaraha fudud oo tababar u qabtay macalimiinta dugsiyada
Xiriirka Soomaaliyeed ee cayaaraha fudud ayaa magaalada Muqdisho maanta oo jimco ah kusoo gabagabeeyay seminaar muddo 2 maalin ah socday oo ay ka qeybgaleen ku dhawaad 20 macalin oo ka socday dugsiyada wax barashada ee gobalka Banaadir.
Talaabadan ayaa waxaa ay qeyb ka tahay u diyaar garowga tartanka dugsiyada oo dhawaan ... Read More
Macalimiinta garsoorka Soomaaliya oo tababar kaga qeyb galaya Tanzania
Magaalada Dar Salem ee dalka Tanzania waxaa ka soconaya tababar caalami ah oo loo qabanayo macalimiinta garoorayaasha Qaarada Afrika, waxaana Soomaaliya tababarkaas ku matalaya 4 macalin oo horay garsooreyaal caalami ah u ahaan jiray.
Seminaarkan oo magiciisu yahay {FUTURO III course} oo ay qabanaqaabiso FIFA ayaa waxaa ka qeyb gala dhamaan ... Read More
AXMED ABDULLA WAA WIIL SOOMAALIYEED OO KA MID AH CIYAARYAHANADA KOOXDA WESTHAM UNITED?
Ciyaaryahanka Ahmed Abdulla waa wiil Soomaaliyeed oo ka tirsan kooxda WestHam London oo ka mid kooxaha heerka koowaad ee dalka Ingiriiska.
AHMED ABDULLA waxa uu ku dhashey 12 Nov 1991 dalka Sacuudiga, islamarkaana waxa u haystaa dhalashada dalka Sacuudiga laakinse waa Soomaali waalidkiis ay halkaasi yimadeen mudo hore, waxana uu ku ... Read More
Liiska Ciyaaryahanada Afrika ee Abaalmarinta Sanadka
Sanadkan liiska Abaalmarinta Ciyaaryahanada Afrika ugu wanaagsan sanadka waxaa ku jira saddex ciyaaryahano ka ciyaarta horyaalka dalka Ingiriiska , lakiin waxaan boos ka helin Emmanuel Adebayor, Yaya Toure iyo Michael Essien.
Labada ciyaaryahan ee Chelsea Didier Drogba iyo Salomon Kalou, sidoo kale ciyaaryahanka u sharaxay FIFA Ballon d`Or Asamoah Gyan ayaa ... Read More
Waqtiga uu Furmayo Ciyaaraha Gobolada oo la Shaaciyay
GAROOWE: Waxaa Caasimadda maamul goboleedka Puntland ka dhacay kulan ay isugu yimaadeen guddiga cayaaraha gobolada Soomaaliya ee Puntland, Xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed, kulankan ayaa lagu qabtay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga, waxaana soo agaasimay wasaaradda dhalinyarada iyo Isboortiga Puntland.
Kulanka labada dhinac ka dib ayaa waxay shir-jaraa`id uga hadleen in Cayaaraha kubadda ... Read More
Maamulka Puntland oo u Diyaar ah Tartanka Gobolada
Gobolada Puntland ayaa waxaa laga dareemayaa diyaar garowgii ugu danbeeyay ee loogu jiro ciyaaraha Gobolada dalka Soomaaliya oo Dhawaan la filayo in ay ka furmaan Deegaanada Puntland gaar ahaan Magaala Madaxda Puntland ee Garowe.
Gobolada Diyaar garowgani uu ka socda waxaa ka mid ah gobolka Bari gaar ahaan Magaalada Boosaaso ,Gobolka ... Read More
Jadwalka Tartanka CECAFA challenge oo lasoo saray
Iydoo dabayaaqada bishan lagu wado dalka Tanzania in uu ka furmo tartanka koobka Qaramada bariga iyo Bartamaha Africa ayaa xiriirka gobalkan maamula ee CACAFA waxaa uu caawa soo saaray isku aadka tartankan oo sanadkan ay maalgelinesyo shirkadda Tusker..
Sida uu war saxaafadeed uu caawa soo saaray ku sheegay xoghayaha Guud ee ... Read More
XSK/Koleyga,Garsoorayaasha & Tababarayaasha oo Kulmay
MUQDISHO: Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga ayaa kulamo kala gaar ah la qaatay Tababarayaasha iyo Garsoorayasha K/Koleyga, waxaana shirkaasi gudoominayay Guddoomiyaha XSKK Ibraahim Xuseen Cali .
Ugu horeyn Guddoomiyaha oo ay wehliyaan xubnaha guddiga fulinta iyo kaaliyaha xoghayaha guud Cabdi Cabdulle Baasaale ayaa la kulmay Garsoorayaasha iyagoo looga warbixiyay dhaqdhaqaaqyadii ugu ... Read More
Horyaalka 6-aad ee kooxaha Heerka 3-aad oo Muqdisho ka furmay.
Horyaalka 6-aad ee kubada cagta kooxaha heerka 3-aad ee dalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah uga furmay garoonka dugsiga sare ee booliska Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho.
Tartankan oo ay ka qeyb qadanayaan 9 kooxood oo heerka 3-aad ah ayaa waxaa cayaartii ugu horeysay ay dhex martay kooxaha Gasco iyo Geeska ... Read More














