Waxaa maanta oo ay taariiqdu ahayd 19.12.2010 la soo gabagabeeyey ciyaarihii qaboobaha ahaa ee lagu qabtay dalka finland magaaladiisa helsinki ciyaarahan oo socday mudo todobaad ah ayaa waxaa ka soo qayb galay 6 kooxood oo laba kamid ah ay ka timid dalalka swedan iyo denmark ciyaarahan waxaa soo qabanqaabiyey ururka dhaqanka iyo sportiga ee dalka finland (Socus ry).
Cayaaryahanadii ugu wanaagsanaa labada kooxood waxay kala ahaayeen Finland Fc Socus Axmed ciise (Fuush) iyo Axmed Yasin Olympic If denmark, waxaa wax ka weydiiyey sida uu u arko ciyaartii maanta tababaraha Olympic IF C/wahab waxa uu ii sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay guushan uu gaaray una hambalyeeyey ciyartoydiisa dadaalkii ay sameeyeen iyo kooxdii laga badiyey.
Tababaraha kooxda Fc socus oo sheegay in uu aad uga xun yahay guuldaradaan laakiin ciyaarta kubada cagta waa guul iyo guuldaro waana dadaali doonaa sanadaha soo socda si aan u guuleysano tababare Cabdi mahad xasan (Laba dhagax) ayaa sidaa yiri.
Ciyaaryahankii ugu fiicnaa intuu tartankan socday waxaa loo gartay Hassan 10 oo ka socday swedan waxaa kaloo halkaa lagu gudoon siiyey ciyaartoygii ugu goolal dhaliska badnaa intuu tartankan socday oo dhaliyey 4 gool ciyaaryahan Sakariye 9 oo u ciyaarayey Iftin Swedan.
Waxaa ciyaartaas ka soo qayb galay marti sharaf aad u fara badan iyo maamulkii Somali culture and Sports marti sharaftaas oo ka kala yimid dalka finland gudihiisa iyo swedan iyo ingiriiska waxaana ka mid ahaa,
Somali Diaspro Maxamed macallin Uk, Xamdi sheeq axmed iyo Abukar dhabarey Swedan,Xubin Gos ku xig xskk Gud ururka dhaqanka iyo sportiga Axmed Cabdulaahi (Imad), qabanqaabiyaha tartanka somali week diaspro helsinki ahna xagayaha ururka dhaqanka iyo sportiga ee finland cabdulkadir (Qooje)
C/siis godax,dahir macalin ex gud xcf,Cabdulkadir xasan cumar (Daadow),Maxamed cusmaan (Juujuule),Yaasiin cabdi rage,Cali Shariif,C/fataax,Abuukar abaajibil,maxamuud,Cawale,macalin xaashi.
Waxaa halkaasi ka hadalay oo hadalo gaagaaban ka soo jeediyey somali diaspro swedan mudane xamdi sheq axmed wuxuuna aman gaar ah u soo jeediyey ururkii ciyaaraha quruxda badan soo qaban qaabiyey ee Socus dhalinyaradii ka soo qayb gashayna ku booriyey in ay sportiga joogteeyaan ayna iska ilaaliyaan waxyaabaha xun xun ayna ku dadaalaan waxbarashada iyo in ay horumar ka gaaraan isboortiga.
Waxaa kaloo hadlay Gud-ku xig ururka midnimada soomaaliyeed C/siis goodax oo dhalinyaradii kula dardaarmay in ay jaanis aad u wayn haystaan kana faaiideystaan idinkoo yurub ku haysto fasiilaad badan mustaqbalkana aad matali doontaan dalkinii hooyo.
Waxaa kaloo hadlay Ex xog- xcf Daahir macallin oo dhalinyarada ku guubaabiyey in aysan kubada cagta oo kaliya dheelin oo ay isku dayaan ciyaaraha fudud oo mustaqbal fiican leh.
Waxaa kaloo hadalay xogayaha ururka dhaqanka iyo sportiga ee dalka finland mudane Abdulkadir qooje oo warbixin ka bixiyey qaabkii ay ciyaarahan u suurta galeen waxaa kaloo oo uu uga mahad celiyey marti sharaftii iyo ciyaartoydii ka soo qayb gashay ciyaarahan sheegayna in ciyaarahan aan joogteyn doono hadi aa nahay ururka dhaqanka iyo sportiga ee dalka finland iyo somali Diaspro.
Waxaa ugu danbeyntii halkaa ka hadlay Gud ururka dhaqanka iyo sportiga ee dalkan finland Axmed Abdullahi ( Imad) una mahad celiyey aqyaartii iyo ciyaartoydii iyo maamulkii watayba kun amaanay sidii wanaagsaneyd oo ay noola shaqeeyeen iyo sidoo kale mediyihii intii ay cayaaraha socdeen nala shaqeeyey maxamed bashiir (Somaliinfo.com) oo amaan gaara mudun iyo websaydka Goolka.com.
Waxaan u hambalyeyneynaa hadii aanahay ururka Somali culture and sportis kooxd Olympic IF koobkii ay ku guuleysatay iyo maamulka iyo macalimiinta Abdikariin iyo C/wahab.

























