Waxaa xalay casho sharaf loogu sameeyey magaalada Manchester macallin sacad cumar geedi oo ku nool sweden casho sharafta waxaa u sameeyey ururka cusub ee dhowaan laga furay Manchester waxaa goob jog ka ahaayeen gudoomiyaha ururka cabdi kuus iyo gudoomiye ku xigeenka ( iidow) iyo m afey iyo ciyaartoydii hore sida biikey, xuski, sheegow iyo macallimiinta kooxda maxamed saalim iyo macallin musa casho sharafta macallin sacad ayaa waxaa si aan kala har laheyn ugu qayb qaatey kooxda old boys kuwaasoo u muujiyey macallinka heerka uu xaggooda ka joogo waxaa hadal yar ka jeediyey gudoomiye abdi kuus oo ka codsaday inay ka soo qeyb galaan kooxda iswidan sanad guurada kooxda old boys sanad walba magaalada Manchester lagu qabto waxaa kaloo ka Hadley casho sharafta laacibiintii hore sida biikey, xuska, iyo sheegow oo ayagana ballan qaadey in shaqsi kasta oo isboorti ah nooc kasta ay yimaadaan Manchester ay soo dhaweynayaan gebi gebidii ayaa waxaa hadal kooban ka jeediyey macallin sacad wuxuu yiri marka hore waxaan rabaa inaan u hambalyeeyo ururka cusub kadibna inaan u mahad celiyo dadka cashadaan soo abaabulay intaas ka dib waxaan ballan qaadayaa ka qeyb galka sanad guurada kooxda old boyska hadduu ilaah yiraahdo, Gabagabadii ayaa waxaa halkaasi la iskuwaydaarsaday kaftan iyo sheeko ayadoo ay cashadiina ku soo gabagabowday jawi aad u wanaagsan.

Waxaa soo diyaariyey; sheegow