Waxaa lagu qabtay hoolka phill Marten Centre oo ku yaala xaafadda somaalida ku badan ee moss side magalda Manchester Xaflada furitanka ururka cusub oo lahu magacaabo Somali Sports & Culture Association (SSCA) ururkaan waxaa guddoomiye kaa ah mudane cabdukadir abubaker sayid (Abdi kus) guddomiye ku xigeenka koowaad mudane Mohammed Ibrahim (iidow) waxa goob jooq ka ahaayeen urur kale oo luga magacaabo Moss side sports   club (msc) iyo ciyaartoyii hore ee kubada cagta  soomaaliyeed  .

Sida macalim hamza saawuush(bk) iyo hussien huski iyo ahmed shegow  iyo madaxdii hore korneeye shariif zayno korneeye Mohamed Ibrahim  Dr Mohamed jeylaani  iyo dadweyn fara badan  iyo macalimiin heer sare oo heystaan level 3 ,2, iyo ,1, sida Mohamed salim ,macalim muse iyo nuridiin iyo Rashid. Guddoomiye cabdi kuus ayaa halkaasi ka Hadley asagoo ka caddeeyey ururkan sababta aan u furnay waxaa waaye codsi dadweynaha naga codsadey oo baahi weyn loo qabey in aan u qabano caruurteena sidaan  kor ugu kicin lahayn isbootiga nooc kasta iyo hidaha iyo dhaqankeena in caruurteena aan ka bad badino waxa xun ugu danbeyntii guddomiya ayaa ka codsaday waalinta ka soo qeyb galeen wadashaqeyn.

Sidoo kale waxa halkaas ka Hadley laacibkii ugu da weyn ee jooga Manchester  macalim BK wuxuu balqaaey inuu diyaar u yahay wax allaale wixii awoodiisa ugu  deeqo caruurta soomaaliyeed sida isboortiga  kuba cagtahay  maadaama uu arkey caruurta somaliyeed oo dayacsan dhinac isbootiga.

Hada waxaan  tababaraa oldTrafford FC laakiin waxaan diyaar u ahay hadda inaan tababaro caruurta soomaaliyeed .

Sidoo kale waxaa  halkaas ka Hadley  laacibkii hore  ee horsed xussien huski oo asagana ballan qaadey inee wixii awoodiisi ugu deeqo caruurta soomaaliyeed iyo odayaasha soomaaliyeed jimicsiga nooc kasta maa daama aan qibrad iyo shahaado aan u haysto.

Sidoo kale waxaa ka Hadley laacibka hore ee horseed ahmed shegow oo asagana wuxxuu ka hadlay taariikhda Manchester ee caruurta soomaaliyeed wuxuu yiri waa in la dadaalaa oo meel  laysku soo jeestaa sidaan caruurta soomaaliyeed looga  bad baadin  lahaa waxa xun waa in caruurta  center aan u helnaa iyo inaan mashquul ugu dhignaa isbootiga  nooc kasta.

Waxaa kaloo ka hadlay macalinka da’da yar ee level 3 haysta maxamed saalim oo ka soo shaqeeyey dubai hal sano. Oo caruur da’ yar ku soo tababari jiray wuxuu yiri waxaan ballan qaadayaa inaan u soo jeesto tababarka iyo inaan caruurta soomaaliyeed aan ku xiro meel kasta oo aduunka sida imaaraadka ama Qatar caruurta da’ dooda 19-20 maadaama aan ku xiranahay leemankaas oo mar badan ilmo aan ku xiray arintaas .  

 Sidoo kale waxaa ka hadlay macallin muusa oo asagana haysa lvel 2 oo hadana diyaarinayo level 3 wuxuu yiri waxaan  ka shaqeeyaa iskool  waxaan tababaraa caruur yar yar maalintii hal saacadood laakiin hadda waxaan diyaar u ahay inaan tababaro caruurta somaaliyeed maalintii 2 saacadood .

Dadkii halkaasi ka soo qeyb galay ayaa aad ula dhacsanaa shirkaas furitaanka ururka cusub waxaa halkaas ka bixiyeen talooyin iyo aaraa kala duwan  waxaa kloo ka hadlay odayaasha ka soo qeybgalay sida korneel shariif zeno  oo asagana aad iyo aad ugu farxay ururkaan cusub oo sheegay in mar hore loo baahnaa in la furo  laakikin wixii daaho ayaa kheyr ku jira  ayuu ku soo gaba gabeeyey

Sidoo kale waxaa ka hadlay korneel mahamed ibraahim  asagana wuxuu yiri waan garab istaagaya ururkaan cusub waxaan idunku dardaarma umada soomaaliyeed eek u nool Manchester  waa in wax loo qabtaa sida ilmaha loo bari lahaa hidaha iyo dhaqankooda

Sidoo kale waxaa ka hadlay   d, mahamed jeylaani  wuxuu yiri farxad  weyn ayey noo tahay maadaama urur cusub oo ay ku jiraan rag horey cayaartoy ahaan jireen  sabab too ah aniga waxaan kamid ahaa ragii kashaqeny jiray kooxda batroolka soomaaliyeed

Baahi weyn ayaa loo qabey in urur sidaan oo kale la furo  sababtoo ah waxaan ogahay  in ururkaan uu yahay  urur wax tarayo  aniguna waxaan  ballan qaadaya inaan  si kumeel gaar ah usiiyo xafiis ay ku shaqeeyaan   aniga waxaan ahay  ninka   ugu sareeyo  todobo urur oo ka dhisan Manchester

Kulankaas wuxuu ku  soo dhamaaday farxad iyo reyn reyn  ururkaan cusub waxay ballan qaadeen inay wax u qabtaan umada soomaaliyeed ee ku nool Manchester  haduu ilaah  yiraahdo

Waxaa diyaariey ahmed sheego.