Ururka SSCA iyo kooxda Oldd Boys ayaa shaaciyey xiliga rasmiga ah ee ay qabsoomi doonaan cayaaraha kubadda cagta ee cayaartoydii ka cuslaatay kubadda cagta ee jaaliyadaha soomaaliyeed ee ku dhaqan qaaradda Yurub, sanad walibana ka dhaca magaalada Manchester ee dalka Uk.
Shir ay maamulka kooxda Old Boys iyo ururka SSCA isugu yimaadeen ayaa lagu go’aansaday in tartanka Somali European Old Boys Tournament oo sanad waliba ka dhaca magaaladaasi uu sanadkan dhici doono 3-4 ta bisha March 2012 ayadoo diiwaangelinta kooxaha danaynaya in ay ka soo qaybgalaana ay furmi doonto 25 ka bishan Janaayo 2012.

Guddoomiyaha bahwaynta sport ga ee magaalada Manchester Ahmed Sheegow ayaa caddeeyey in sanadkan ay tartankan ka soo qaybgali doonaan kooxo ka kala imaanaya dalal ka tirsan qaaraddan Yurub ayadoo dhinaca kalena ay ka soo qaybgali doonaan qaar badan oo ka mid ah cayaartoydii cuslaatay ee ku dhaqan magaalooyinka uu ka kooban yahay dalkan Ingiriiska.

“Waxaan la xariirnay odayaasha iyo maamulada kooxaha cayaartoydii cuslaatay iyo waliba kuwa ka shaqeeya horumarinta sport ga kala gedisan ee dalkan UK waxayna noo balanqaadeen in ay nagala soo qaybgali doonaan tartankan oo sanadkan u dhici doona hab ka duwan kuwii hore” ayuu yiri guddoomiyaha ururka SSCA Cabdi Kuus oo ka hadlayey shirkaasi.

Cayaarahan ayaa dhawrkii sano ee ugu dambeeyey waxa ay ka dhacayeen magaaladaasi ayadoo ay ka soo qaybgalaan tartankan qaar ka mid ah cayaartoydii hore ee dalka iyo qaar badan oo ka mid ah cayaartoyda ka cuslaatay kubadda cagta.

Fadlan kooxdii danaynaysa ka qaybgalka tartankan kala xariir guddiga qabanqaabada tartankan oo ay ugu horeeyaan:

Axmed Sheegow: +447539480861
Cabdi Kuus: +44793296224