Maxaa Xal u ah Kubadda Cagta Soomaaliya.
Waxaa wax lagu xumaado ah dad sheeganaya in ay rabaan inay hoggaamiyaan XSK/Cagta in ay haddana aaney ilaalin dastuurkii uu XSKC lahaa. Waxaad akhristoow isweydiin kartaa side loogu tuntey dastuurka?
Waa su`aal sax ah oo mudan in cid walba oo daneyneysa in sharciga la dhawraa ay isweydiin karto, taasina waa sababta ... Read More
Puntland oo Martigelineysa Cayaaraha Gobalada
Garowe: Shir ay ku yeesheen xarunta madaxtooyada maamul goboleedka Puntland guddi uu madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole u saaray agaasinka ciyaaraha Kubadda Cagta Gobolada Soomaaliya ayay waxay uga hadleen qaabka ciyaarahaasi lagu wado inuu dabayaaqada bisha November u qabsoomo.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda isboortiga Puntland Axmed Cigaal Cawaale ayaa saxaafadda u ... Read More
Kooxda K/Gacanta HEEGAN oo ka Badisay KAAHIYE
MUQDISHO: Ciyaar xiiso badan ayaa galabta waxa ay ku dhex martay garoonka Kubadda Gacanta degmada Xamar Jajab Heegan iyo Kaahiye.
Ciyaartan oo XSKG ugu talagaleen diyaargarowga tartamada heerka koowaad ee wiilasha kubadda gacanta ciyaartii kama danbaysta ahayd waxaa isku soo haray labada kooxood ee HEEGAN iyo KAAHIYE. Guddoomiyaha Xiriir Maxamed Xuurshe ... Read More
FIFA| Codeyntii Martigelinta oo Shaki la Geliyay
FIFA ayaa la sheegayaa inay dib u dhigayaan go`aankii ku aadanaa martigelinta koobka adduunka ee 2018 iyo 2022 si ay u baaraan wararka la isla dhexmarayo oo sheegaya in labo xubnood oo guddiga ku jira codkooda iibsanayaan.
Waxaa qaar ka mid xubnaha ku adkaysanayaan in codeynta uu dhacayo 2da December sida ... Read More
Waxaa Magaalada Virginia lagu qabtay Ciyaaro Kubadda Cagta ah oo lagu weyneynaayey maalin aad iyo aad looga qadariyo Dalka Mareykanka
ATLANTA:Waxaa Magaalada Virginia lagu qabtay Ciyaaro Kubadda Cagta ah oo lagu weyneynaayey maalin aad iyo aad looga qadariyo Dalka Mareykanka,taa oo laga wada nasanaayo shaqooyinka, waxaana Tartankaasi Abaabulkiisa lahaa Guddiga Isboortiga ee Magaaladda Virginia oo aad iyo aad u soo diyaariyey isuguna dubariday Tartankaasi, waxaana Guddigaasi kala ahaayeen Gudoomiye Saciid, ... Read More
Ururka Kooxaha Kubada Cagta oo cambaareeyay war sxaafadeed Cabdi Jiinow wax kaga Sheegay FIFA, CAF iyo SFF
Shir ay isugu yimaadeen guddoomiyeyaasha naadiyada kubada cagta ee ka dhisan dalka Soomaaliya oo shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa si weyn loogu cambaareeyay aflagaado uu guddoomiyaha ganaaxan ee naadiga dekedaha Cabdi Jiinow u geystay Ururka kubada cagta aduunka ee FIFA iyo xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta.
Masuuliyiinta naadiyada oo ahaa ... Read More
Xaawo Taako oo ka Warbixisay Shirweynihii FIBA
MUQDISHO: Marwo Xaawo Sheekh Axmed oo ka mid ahayd xiddigihii hore ee ugu firfircoonaa dhanka gabdhaha K/Koleyga Soomaaliya. Ayaa waxaa ay ka Shirweynihii Dumarka Kubadda Koleyga Adduunka 2010 iyo Horyaalkii 16aad ee Dumarka K/Koleyga Adduunka ee lagu qabtay dalka Czech Republic.
Xaawo Taako oo matalaysa Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda ayaa waxay ... Read More
Egypt oo rajo xumo ku biloowday is reereebka koobka qaarada africa
Madasha media-xulka Egypt ee difaacanaya horyaalnimada qaarada africa markii afaraad ee isku xigta tariikhada qaarada africa ayaa xalay
barbardhac ay isla dhaafiwayeen xulka dalka siraleone ciyaartaas oo ka dhacday stade de Caira waxaana goolka ku hormaray xulka martida ahaa ee siraleone daqiiqadii 57 eeqaybtii danbe ee ciyaarta waxaana goolkaa saxeexay xidiga ... Read More
Gudoomiyaha Ururka Mideynta Qurbajoogta Isboortiga Soomaaliyeed ee UK ayaa loo doortey mudane Axmed nuur Maxamed Xaashi oo ku magac dheer ‘’Sayga Ruushka’’,
Ururka Mideynta Qurbajoogta Isboortiga Soomaaliyeed ee UNITED KINGDOM
''Ururka waxaa safar ku geyn doonaa dhalinyarada Isboortiga magaalada London xul laga soo xuley dalalka Gambia iyo Talyaaniga''
London.06/10/2010: Shir ay isugu yimaadeen bahda isboortiga Soomaaliyeed ee degan Galbeedka magaalada London, gaar ahaan xaafadaha Wembley ayaa waxaa lagu dhisay urur ka shaqayn doono isku ... Read More
Xulalka Somalia iyo Sudan oo Is Mari Waayey
MUQDISHO:Xulka kubadda cagta ee Juniors-ka dalka Somalia iyo Sudan ayaa isku garbo dhacay iyagoo isla dhaafi waayey 0-0. ka dib markii ay galabta garoonka Guled Stadium ee dalka Jabuuti ku wada ciyaareen.
Kulan ciyaareedkan ayaa wuxuu qeyb ka yahay Isreebreebka Tartanka Olambikada adduunka ee 2012 kaas oo ka dhici doona dalka ... Read More














